Suldaanka Guud Iyo Cuqaasha Beesha Muuse Dheriyo Oo Sheegay Inay Geleyaan Dagaal Xukumadda Somaliland Ka Dhan Ah

Hargeisa, Dec.28.2013 (Warsomali) Suldaanka Guud ee Beesha Muuse Dhariyo Suldaan naasir Suldaan Naasir Suldaan Cabbdi Ismaa

ciil iyo Caaqilka Guud ee Beesha Muusa Dhariyo oo guddoominayey kulan guud oo ay beesha Muuse Dhariyo kaga tashanaysay xubin ay ku lahaayeen Guddida Cadaaladda Somaliland oo ay sheegeen in Golaha Wakiiladdu ku bedelayo xubin kale oo Beesha Isaaq ah.

Suldaan Naasir ayaa sheegay haddii Guddoomiye Cirro iyo Golaha Wakiiladdu ka saaraan xubintii ay ku lahaayeen guddida Cadaaladda ay galayaan dagaal af-ka ah oo dalka gudihiisa iyo dibadiisa ah isla markaana ay ku dhawaaqayaan in ay Somaliland uga baxayaan Cadaalad daro.

Suldaan Naasir waxa uu sheegay isagoo ku hadlaya magaca Beesha Muuse Dhariyo Barriga iyo Galbeedka Somaliland in ay ka dhamaatay dul-qaadkii iyo Samirkii ay Somaliland ku joogeen isagoo sheegay Beesha Isaaq in ay in badan u dul-qaadanayeen cadaalad darada ay ku hayso, waxaanu ku tiraabay in ay hore ugu eedayn jireen in ay Siyaad Bare ka raaceene in ay maanta Somaliweyn raacayaan haddii aan xubinta ay ku leeyihiin Guddida Cadaaladda loo dayn.

Suldaan Naasir waxa uu Guddoomiyaha Golaha Wakiilladda iyo Golahaba ugu baaqay in ay talaabadaas ka snoqdaan oo ay joojiyaan in xubintoodii ay cid kale siiyaan isagoo sheegay haddii xubintooda la saluugay inay soo bedelayaan, laakiin waxa uu ka digay oo uu Cirro Farriin uga dhigay sidii beeshiisu u difaacaysay in ay iyana xubintooda u difaacanayaan.

Suldaan Naasir waxa uu sheegay Somaliland in ay leedahay Calan uu Tawxiidku ku xardhan yahay Kafad iyo Miisaana astaan u tahay, hase yeeshee Beel ahaan ay arkaan in Kafadaasi dheeliday, waxaanu ku baaqay in calanka Somaliland la dajiyo maadaama aan cadaalad hoostiisa lagu maamulaynin.

 

Suldaan Naasir waxa hadaladiisii ka mid ahaa:

Haddii aanu nahay Beesha Muuse Dhariyo dal aan Somaliland ahayn ma lihin, in badan baanu ku samraynay, Golayaashiisa waanu ka maqanahay, markii taas la arkay waxa anaga iyo Beesha Ciise nala siiyey laba xubnood oo uu baarlamaanka Somaliland ku lahaa xubnaha guddida cadaaladda, bari dhaweyd baa la kala diray, waxa nagu maqaalo ah in barri Golaha Wakiiladda Somaliland xubintayadii bedelayaan oo ay qof beesha Isaaq ka soo jeeda geynayaan, maanta waxaanu iskugu nimi madax dhaqameedkii iyo cuqaashii Beesha waxa noo muuqatay inaanu badheedhayaga ka dhiibato talaabadaas Golaha Wakiiladdu Beri samaynayaan, Cirro Beeshiisu shalay bay ka mudaharaadaysay Burco oo ay lahayd haddii la taabto dagaal abaa dhici doona, Beela kasta oo Isaaqna sidaas bay tidhaahdaa anana hoostooda ayaanu ku dulmanahay juuqna ma nidhaahno, maanta Haddii aan ahay Suldaankii Guud isla marakaan cuqaashii I hareero fadhido, waxaanu beesha Isaaq u sheegaynaa in uu samirkii naga dhamaaday, walaalayo hore waxay noogu Eedayn jireen in aanu Af-weyne ka raacnay, laakiin waxaan maanta halkan ka cadaynayaa in aanu Somaliweyn raacayno, dagaal Af-ka ah oo dibed iyo gudabana la galayno beesha Isaaq haddii aanay joojin talaabada Guddoomiyihii beeshiisu shalay lahayd lama taaban karo uu isagii maanta taayadii Isaaq siinayo.

Somaliland waxay leedahay Calan Tawxiidku ku xardhan yahay iyo Astaan Kafad iyo Miisaan ah waxaanu leenahay hala dajiyo, kol haddii cadaalad daro hoostiisa lagaga dhaqmayo, waxaanu leenahay isma qabato in laa illaaha ila laah la sudho iyo in beelaha xaqoodii lagu dulmiyo.

Ceerigaabo Oo Gaadiid La Hubaynayo

Wa Daruuri Dawga Ceerigaabo

Hees Cusub Kooxda Xidigaha Geeska

Cisbitaalka Ceergaabo Oo Xidhmay

Hees Cusub Hodon C/raxmaan

Daawo Mudaharaadkii Hargaysa Ka Dhacay

Halkan Ka Daawo Barnaamijkii U Horeeyey Ee Si Dhab ah Looga Diyaariyey Nolosha Dadka Dhuxusha Shida+

Daawo Hees Igu Laba Ahaw

Hees Cusub Jacaylka Waxsaarka Leh

Jacaylkii Soo Dhaaf Xuduudkii

Hees Cusub Oo aad U Macaan Fanaaniinta Raxma Rose, Hodon C/raxmaan iyo Fartuun Cumar