Xaalada Dhaqaalaha Somaliland Oo Maraysa Halkii Ugu Darayd iyo Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka Baaqsaday Dhaqaaleyahankii Loo Filaayey (Warbixin, Baadhitaan Iyo Bandhig)

Warsomali Dec.13.2013 Hogaamiyaha JSL Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxaa shacabka reer

 

 Somaliland u tuhmayeen dhaqaale yahan   aqoon ahaan  iyo khibrad ahaanba safka hore kaga jira xeeldheerayaasha culuunta dhaqaalaha ee geyigan u dhashay,  taasina  waa sababta ugu weyn ee mujtamaca reer Somaliland ugu shaqaalayasteen xilka hogaamiyenimo.

Hadaba xukuumada Siilaanyo ayaa sida aynu ka warqabno  dhinaceeda in badan ku dooda  koboc dhaqaale oo dalka ka hanaqaaday  mudadii ay xilka haysay arintaas iyada ah  iyo sida ay wax uga jiraan ayaa akhriste  noqonaysa nuxurka  qormada, balse intaynaan  u gonad -degin mawduucan  aan wax yar dib u jaleecno hogaamiyayaashii soo maray Somaliland ee ka horeeyey Siilaanyo iyo  midkastaba muhiimadii uu xooga saaray iyadoo  ay jireen duruufo iyo dhibaatooyin kale ,  hadana muhiimadaas waxqabadkoodii saldhig uga dhigeen oo ay  guusheedana ku suntameen , una noqotay tilmaan lagu xasuusto ilaa iminka .

Marka laga hadlayo hogaamiyaashii hore waxa lagu kala tilmaamaa sidan:-

Marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali (tuur) wuxuu baal taariikheedka hogaamiyaasha dalka kaga jiraa hogaankii  xoraynta dalka iyo asaaskii Somaliland, muhiimadiisuna waxay ahayd in dalka la xoreeyo, lana amaamudo dawlad cusub oo ka arimisa Somaliland.

Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal, waxay bulshada reer Somaliland ku xusuustaan inuu ahaa aabihii nabadgelyada iyo taabagelinta haykalka dawladnimo ee Somaliland, midkaas ayaana muhiimadiisa ahayd waayo wuxuu ku soo aaday xili mujtamacani u baahan yahay nabadayn iyo maamul fidin

Daahir  Rayaale Kaahin, wuxuu taariikhda kaga xardhan yahay halyeygii hirgelinta dimuqraadiyada iyo hogaanka ku qotoma talada shacabka, taas ayaa isagana muhiimadiisa ahayd, waayo wuxuu hogaaminta dhaxlay xili dalku nabad yahay baahi weyna loo qabo in talada gacanta loo geliyo dadka shacabka ah si ay u shaqaalaystaan hogaankooda iyo nidaamka lagu hagayoba.

Sadexdan madaxweyne mid waliba wuxuu guul wax ku ool ah ka soo hooyey bar-ahmiyadeedkii uu liishaamayey.

Madaxweynaha hada xilka haya Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa isagu talada dalka la wareegay xili dalkii xoroobay, nabadii taam tahay, dimuqraadiyadiina ay tisqaaday, balse ay weli baaqi yihiin doogihii iyo mushkiladihii dhaqaale ee ka dhashay  buburkii dalka.

Hadaba iyadoo madaxweyne Siilaanyo uu nasiib u yeeshay fursadahaa aanay haysan hogaamiyaashii ka horeeyey ayaa su’aasha isweydiinta mudan ee  ilaa tan iyo xilligii la doortay  miranaysey laabaha dadka reer Somaliland waxay tahay, maadaama madaxweynaha lagu tuhmayey dhaqaale yahan jeexi kara tub dhaqaale oo dadka  ka samata saari kara saboolnimada iyo nolol-xumada bal sida hawlahaas  horyaaley  ay xukuumadiisu u maaraysay mudadii sadexda sano ahayd ee ay xilka haysay?

 

Hadaba si aan jawaab waafiya uga bixino fashilka dhaqaale ee xukuumada Siilaanyo,  fadlan ii ogolow inaad si kooban ila faaqido heerarka  iyo xaalada dhinacyada Waxsoosaarka, Maalgashiga, Dhoofinta iyo Dejinta, Qaybsiga Dhaqaalaha Dalka, koboca dhaqaalaha, shaqola’aanta, sicir-bararka ee dalka Jamhuuriyada Soomaalind.

Sida la ogyahay meelaha ugu waaweyn ee laga cabiro kobaca dhaqaale iyo heerka horumar ee wadan leeyahay waxaa ka mida sida waxsoosaarkiisu yahay iyadoo halbeega laga qiyaas qaataana yahay isbarbardhiga dhoofinta iyo dejinta badeecadaha kala duwan IWM sidaa darted baa firkadaha aasaasiga ah ee dhaqaalahu waxay tilmaayaan in wadankasta horumarkiisa nololeed, bulsheed, daryeel iyo dhaqaaleba ay ku xidhan yihiin hadba heerka waxsoosaarkiisu gaadhsiisan yahay.

Sida aynu ka warqabno dalkeena Somaliland malaha waxsoosaar la sheego, arintaasoo keentay dibu dhaca horumarka, dhaqaalaha iyo adeegyada dalka oo dhaxalkeedii noqday bulsho fiqiir ah oo nolesheedu hoosayso iyo dawlad sabool ah oo adeegyadeeda bulsho iyo tamarinteeduba liidato. Waxaa isweydiin mudan sababta ay dalkan iyo dadkiisuba fadhiid uga yihiin waxsoosaar macne iyo mugleh oo wax ka bedeli kara xaalada nolol xumo ee lagu jiro?

 

Waa qiil diciif ah in aan habacsanaanta waxsoosaar yarida u nisbayno maqnaashaha aqoonsiga caalamiga ah iyo tamaryarida xukuumadeena. Waayo marka laga yimaado khayraadka aynaan waqtigan ka faa’iidaysigiisa awood u lahayn sida shidaalka iyo macdanka, dalkani wuxuu leeyahay khayraad kale oo farabadan oo  yarayn kara soo dejinta isla markaanakobcin kara dhoofinta  iyo waxsoosaarka, taas oo aan u baahnayn dhaqaale badan oo loo huro  iyo ictiraaf, balse u baahan siyaasad dawladeed oo qudha si loo  wajaho arintan. 

Tusaale waxaa inoogu filan waxaynu nahay wadanka ugu xoolo badan waxana cadayska iyo caanaha caruurteena la inooga keenaa dalal inaga xoolo yar, waxana muuqata in wasaaradeena xanaanada xoolaha aanay mudadaas saddex sano ah ee xakuumadani talinaysay la imaanin siyaasadii lagu horemarin lahaa, laguna dhiirin lahaa ka faa’iidaysi dhamaystiran ee khayraadka xoolaha nool (full utilization). Sidoo kale waxaan ognahay in aan xukuumadani siinin mudnaanta ay xoolaha iyo xoola dhaqatadu leedahay oo ahayd in 60% ahmiyada la siiyo, maadaama dhaqaaleheenu ku tiirsan yahay 60% xoolaha nool, waxana keliya oo wasaaradu fulisaa talaalo dhul shisheeye inooga yimi oo aynaan hubin waxtarka iyo waxyeelada ay u leeyihiin xoolaheena.

Waxaynu leenahay dhul beereed weyn, ku haboon beerista dalagyada, kuna filan soo saarista cuntada aynu u baahanahay ama dhoofinkaro. Maqnaanshaha siyaado dhiirigelin kara koboca  waxsoosaarka  beeraha ayaa inoo horseeday in dalagyada ay ka mid yihiin  baradhada, basasha, toonta, tufaaxa, galeyda iyo waxsoosaarka dalagyada ay soo saaraan wershado yaryari laynooga keeno dalal shisheeye oo aan tiro ahaan iyo tayo ahaanba inagaga fiicnayn beerista.

Wasaaradeenii beeruhu waxay ku mashquulsan tahay qaybinta siidhadhka hal dhalka ah (genetic modified seeds)   oo baabiinaya kaydkii siidh ee beeralaydeenu haysatay, kana dhigay wadankeena ku tiirsane dalal kale dhinaca siidhka, waxanay hilmaatay dhiirinta, abuubulka iyo gacansiinta waxsoosaarka beeraha oo ahayd kaalinteeda koowaad.

Waxa iyana hubaal ah in ka faa’iidaysiga khayraadka badda, siiba kaluunku iyo milixdu ay yihiin halbowle dhaqaale oo xukuumadeena hagratay, aana inooga baahnay la sugida ictiraaf iyo maalgashi shisheeye.

kaluunka suuqyadeena lagu isticmaalaa waa mid ajaanib ah oo ay soo macmilaan dadyowga sida tudhaal la’aanta u gurta ka luunkeena. Siyaasda xukuumadeena ee ku wajahan kaluumaysigu waxay jideysey in la garba duubo, lagan dhigo camal laawayaal kaluumaysatadeenii u baahnayd dhiirinta iyo taageerda xukuumadeed, waxayna wasaarada kaluumaysigu saldhig uga dhigtay siyaasadeeda kuna raali tahay in laba barmiil oo shidaala ay si liidata ajaanib uguga bedelato boqolaal tan oo kaluunka badeena ah iyo weliba in ay ogolaato dhiirisona isticmaalida maraakiib shisheeye oo xaaluf iyo nabaadguur ku haya badeheena.

Hadaba waxsoosaarka wadankani samayn karo iyadoon ictiraaf, maalgelin-dhaqaale iyo suuq toona loo raadin wuu badanyahay, kumana koobna intan oo keliya ee way badan yihiin. Akhriste, waxanse intan ugu soo dabaray way ku filan tahay muujinta iyo marag u noqoshada  siyaasad xumida xukuumada oo aan isku deyin nidaamkii kor loogu qaadi lahaa waxsoosaarka dalka, dhoofinta, tirada shaqaysa iyo guud ahaan nolosha mujtamaceeda, taas oo meesha ka saari lahayd  tahriibka, camal la’aanta iyo soo dejinta waxyaabo farabadan oo dalkeenu hodon ku yahay aynuna awoodeeda iyo taagteedaba leenahay.

 

Dhinaca maalgashiga waxaynu ognahay in dadka ku dhaqan gudaha wadanka aanay samayn karin maalgashi badidoodu, waayo waxaan jirin kayd dhaqaale (savings) oo ay haystaan, dawladuna ma samayn maalgelin mashaariic iyo shaqo abuur oo siyaasadaba uguma jirto. Shakhsiyaadka tijaarta ahina ma haystaan siyaasad dowladeed oo jahaysa, tilmaanta, hanuunisa, dhiiri gelisa kuna qalqaalisa in ay dalka maalgashadaan, balse siyaasadu dawladu waxay u shaqaysaa sidaas cakiskeeda.

waxaan xasuusan karnaa, muwaadiniin isku deyey maalgashi oo fashilaad iyo niyad jeb ku gebogoboobey, taas oo ay gun u tahay siyaasad xumida xukuumadda ee dhinaca dhaqaalaha.

Waxa igu haboon in aan soo qaato dhacdo ka mid ah dhacdooyinka yaabka iyo ashqaraarka leh, taas oo ah wershad daqiiqda samaysa oo  muwaadin reer Somaliland ahi  ka sameeyey gudaha dalka, uguna abuuray shaqo muwaadiniin badan. warshadaas waxay soo saartay daqiiq looga kalgacayl iyo rabitaan badan-yahay daqiiqda laga soo waarido debedaha, kana tayo badnayd waxtar ahaan iyo caafimaad ahaan. nasiibdaro, wershadaas waxaa lagaga noqday dhulbeereedkii ay kiraysatay manay helin dawlad dhiirisa ama gacan ka siisa helitaanka dhul ay beertaan. werashadii daqiiqdu sidaas ayay isku taagtay, waxana qalabkii laga iibshay ganacsato itoobiyaan ah oo markiiba dawladoodu dhiirigelisay, waxsoosaarkii iyo shaqaalihiiba waxaa yeeshay wadanka aynu jaarka nahay ee itoobiya halka muwaadiniinteenii ka shaqaynayseyna ay noqdeen camal laawayaal iyadoo sidaan filayo,  akhriste aad ka warqabtid in wershadii sibidhka muwaadiniintii maalgashan lahayd xukuumadu ka hortaagan tahay

Dhab ahaan lacagta aynu kaydsano oo iskaba yarayd, laakiin wax weyn ka tari karta shaqo la’aanta iyo dhaqaalaha dalka,  siyaad xumida xukuumada darted waxaa lagu maalgashaa dhismayaal iyo gawaadhida raaxaysiga oo wax macno ah inoogu fadhiyin dhaqaale ahaan. waxa iyana meesha ka maqan siyaasadii jahayn lahayn guud ahaan maalgashiga iyo gaar ahaan isla raadinta fekerka maalgashi iyo maaliyada, waxayna xukuumuda aanay uba dhaqaaqin abuurista bangiyo ganacsi oo leh sumcad la aamini karo oo dhigashada lacagta iyo amaahda maalgelinta sameeya. wasaaradaha ganacsiga, maaliyada iyo baangiga dhexetooni la may imaan siyaasado wax ku ool ah oo ay doorkooda ku jahayn lahayn lahayeen dhaqaalaha dalkan (effective and efficient fiscal and monetary policies).

 

Qaybsiga  dhaqaale(Income distribution)

Xukuumada waxaa looga fadhiyaa siyaasado maangal ah oo lagula tacaalayo shaqo la’aanta, lagu kobcinayo waxsoorka iyo dhaqaalaha isla markaana lagu yaraynayo soo dejinta wax weyn ayaa iska bedelilahaa dhaqaalaha dalkan iyo nolosha dadkan iyo weliba in xukuumaduna dhaqaale hesho, waayo waxay dhaqaalaha ka heshaa mujtamaceeda iyo waxa ay haystaan.  Dhinaca kale, waxay cid kastaa qiraal ka tahay in dadku noqdeen kuwo qaderiya ashyaa’da iyo in habka saami qaybsiga dakhliga dhaqaale ee wadankan soo gala ay 85% ku xeroodaan jeebadaha tobanka ganacsade ee ugu waaweyn ganacsatada dalka. Arrintani waa xaqiiqada bedka taal ee ka turjumaysa dhab ahaan sida wax u jiraan, waxaana loo siqayaa in ay abuurmaan dabaqado dhaqaale iyo dheeliga gobolada iyo degmooyinka ee dhinaca dhaqaalaha.

Tan waxaa sababay maqnaashaha siyaasada qaybsiga dhaqaalaha dalka, isu-dheelitirka gobolada iyo kala xadaynla’aanta ganacsiga. waxaad arkaysaa ganacsigii oo dhawr qof keliya u xidhan oo dhoofiye, soo dejiye, wareejiye, tafaariiqle ilaa dukaan ku gadaha isla shikadiisa oo keliya isla ah kuna qiime jebinaya ganacsada heerka dhexe iyo heerka hoose. tani waxay wiiqay kobcinta dhaqaalaha iyo shaqo abuurka, wax ka qabadkeeduna maaha mid u baahan ictiraaf iyo maalgelin shisheeye e waxay u baahantahay oo keliya siyaasad ay xukuumadani curiso oo ay ku gacangeliso kuna xakamayso suugyada xorta ah ee dhaqaalaha iyo siyaasad ay ku ilaaliso dheeliga dhaqaale iyo dabaqadaha dhaqaale. dastuurku JSL ma ogola dheeliga dhaqaale ee dalka iyo dabaqadaha dhaqaale oo samaysta waxuuna ku tilmaamayaa ilaalinta hawshan waajib xukuumi ah.

Akhriste, bal aynu si kooban u milicsano tibaaxna uga bixino kharashaadka iyo dakhliga dawliga oo aeegayo, aan odhan karo maaha mid ku yimaada talada iyo rabitaanka bulshada, kumana salaysna ka jawaab-celinta baahiyaha iyo tabashooyinka bulshada mudnaanta iyo muhimada u ah. waxaa jira bug yar oo wasaarada qorshaynta qaranku diyaarisay, kaas oo wasaaraduhu u bislayn, fahamna ka haysan nuxurka uu xambaarsanyahay, taasina ay ka dhigtay qorshe aan fulin lahayn oo miisaaniyada qarankana aan lagu salayn. lama yaqaan kumana jiraan miisaaniyada qaranka kharashaadka iyo dakhliyada dawladaha hoose, dhamaantoodna mid dhexe mid hooseba ma laha nidaam ku isran hufnaan, xaliibnaa iyo la xisaabtan dhab ah.

iyadoo dhibahaa iyo kuwo kaleba ku gadaamanyihiin, ayaa waxaa intaas dheer in eex iyo faquuqnaani aanay ka madhnayn nidaamka dakhli iyo kharash ee dalka. Ganacsatada wadhatada iyo ganacsatada heerka gancsiga koobaad waxaa laga qaadaa cashuur isku mid ah am isku dhow. waxaad arkaysaa in takaaliifta cashuuraha oo ahaan lahayd mid ku qotonta siyaasad qaran ayaa muuqata in aanay wax siyaasada oo ay ku dhisantahay. keliya waa mala waalo si kas la’aan ah loo qorqoray. Waxaad arkaysaa cashuurta la saaro Waxyaabaha aan dalka looga baahnayn sida tubaakada, gaadiidka yaryar iyo daawooyinka laysku caddeeyo oo mid aad u hoosaysa, halka cashuur qaaliya laga qaado xabkaha iyo faleemka iyo daawooyinka bukaanka lagu dabiibo. Korodhka miisaaniyaduna  ee aynu ku faanaana maaha maaha mid ku dhashay koboc dhaqaale ee waa culays cashuur kordhineed oo bulshada saboolka ah dusha laga saaray.

dhinaca kharashka hadaan xisaabino waxaad arkaysaa isna in waxbadani  ku baxaan hawlo aan muhiim inoo ahayn iyadoo  kuwii muhiimka ahaana  aan waxba loo qoondayn ama lagu yareeyey. tusaale ahaan, kharashka wasaarada madaxtooyada iyo kan wasaarada beeraha hadaynu is  barbardhig ku samayno iyamaa badan,  ama waxaad ka eegtaa kharashka ku baxa shidaalka gaadiidka tirada badan ee shaqaalaha lagu geeyo xafiisyadooda oo aad arkay in uu hawl muhiim ah oo weyn inaga dabooli lahaa.

iska daa kobcin iyo dhiirin waxsoosaare, waxay wasaaradaha waxsoosaarka dalkani siyaasad ka dhigteen wiiqida iyo waxyeelaynta khayraadka dalka oo dalal shisheeye looga faa’iidayey,  manay qaadin masuuliyadii bulsho ee loo baahnaa.

Koboc dhaqaale:(economic growth)

Sidee dal waxsoosaarkiisu baylahsan yahay loo odhan karaa waxaa kobcay dhaqaalihiisa? Korodhka miisaaniyadase  miyaa loo nisbayn karaa dhaqaalaha Somaliland oo kobcay?

Hadii xukuumadu  Siilaanyo  shacabka  masaakiinta ah ku asqaysiiisay in ay dhaqaalaha dalka sare u qaaday, taasi waa  waxba kama jiraan,  dhaqaalaha dalkuna ma kobcin mudo xileedkeedkii xukuumada Siilanyo, koradhka miisaaniyaduna maaha dhaqaale dalka u soo kordhay ee waa cashuur kordhin lagu sameeyey bulshada, taasoo sababtay sicir barar  ku habsaday dhammaan qiimayaasha badeecadaha kala duwan oo  halis ku ah nolosha bulshada saboolka ah.

Gebagebo(conclusion)

Guntii iyo gebagabadii qormadan waxaan filayaa in aan si buuxda ugu iftiiminay xaalada dhaqaale ee dalka Somaliland marayo xili uu talada hayo madaxweyne Siilaanyo oo sida aynu horeba u soo xusnay mujtamaca reer Somaliland u tuhmayeen dhaqaale yahan balse arintaasi ku fashilmay sida ku cad qormada.

Waxaa intaas inoo raaca Insha Allahu, in aan bedka soo dhigno maqaalo dheeraad ah oo si ka sii faahfaahsan u biniixinaya isla qodobkan dhaqaalaha sida shaqo la’aanta baahsan, Heer nololeedka bulshada, Siyaasada maaliyadeed iyo lacageed  ee xukuumada (national monetary & fiscal policy  etc) iyo baahida loo qabo isbedel siyaasadeed dhaqaale (Economic Political Reform)

Balse akhriste si miciin iyo maradhaamo loogu helo duruufahan isbarbarkan ee dhaqaale iyo siyaasad ba leh, ma kula tahay in aynu dhamaanteen taageerno Isbedel Siyaasadeed Oo Dalka Ka dhaca.

Warsomali.com

Erigavo Main Office

Weriye C/qaadir Ahmed    

 

latest Somali News

Xujaaj Somaliland Iyo Soomaaliya Iskugu Jira Oo ka Dhoofay Madaarka Hargeysa

Hargeisa- 20 Sept, 2013 (WarSomali) Dufcaddii ugu horaysay ee ka mid ah xujaajta reer Somaliland ee sanadkan ayaa maanta ka dhoofay 

Read more...

Raysal Wasaare Ku-Xigeenka Itoobiya Oo Kulan La yeeshay Wefti Wasiirro ah oo ka socday Somaliland

Hargeisa- 20 Sept, 2013 (WarSomali) Raysal Wasaare Ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha dibadda Itoobiya , Dr Tedros Adhanom, ayaa kulan

Read more...

Ceerigaabo Oo Caawa Lagu Soo Rogay Bandoo Rabshadihii ka dhacay xalay ka dib

Hargeisa- 20 Sept, 2013 (WarSomali) Badhasaabka Gobolka Sanaag Axmed Maxamuud Geelle (Dacar), ayaa sheegay in xaaladda

Read more...

“Dad Waraaqo Hanjabaad ah u Qoray Genel Energy Way Jiraan, Shirkadduna Way Na Tustay”

Hargeisa- 20 Sept, 2013 (WarSomali) Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in shirkadda Genel Energy ay u soo bandhigtay cadaymo muujinaya 

Read more...

Ugu yaraan 16 ayaa ku dhimatay kaawo ku duntay Muqdisho

Hargeisa- 20 Sept, 2013 (WarSomali) Ugu yaraan 16 qof ayaa ku dhimatay dumitaanka meel Muqdisho ku taala oo laga qoto kaawada Khamiistii,

Read more...

AMISOM oo qabtay shirkii ugu horeeyay ee iskaashiga rayidka iyo ciidanka

Hargeisa- 20 Sept, 2013 (WarSomali )Howlgalka Midawga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa soo gabagabeeyay Arbacadii 

Read more...

Sacuudi Carabiya oo Jabuuti siinaysa amaah $5 milyan ah oo dhinaca horuumarinta ganacsiga ah

Hargeisa- 20 Sept, 2013 (WarSomali) Wakiilo ka socda dawlada Jabuuti iyo Sanduuqa Horumarinta Sacuudiga ayaa Kahmiistii

Read more...

Maxamuud oo Washington gaadhay iyo Maraykanka oo shaaciyay in uu $69 milayn siinayo Soomaaliya

Hargeisa- 20 Sept, 2013 (WarSomali) Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Washington gaadhay isaga
Read more...

Somaliland: Wasaaradda Caafimaadka Oo dib u Eegaysa Qorsheyaashii u hirgalay 3 biloodkii Ugu Dambeeyay

Hargeisa - 25 Sept, 2013 (Warsomali) Wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa maanta qabatay shir 

Read more...

Aadan Dhoolayare oo Ku Baaqay In Hadimooyinka laga daayo dawladnimadda

Hargeisa - 25 Sept, 2013 (Warsomali) Wasiirkii hore ee Wasaaradda Cadaaladda Mudane Aadan Axmed

Read more...

Ceerigaabo Oo Gaadiid La Hubaynayo

Wa Daruuri Dawga Ceerigaabo

Hees Cusub Kooxda Xidigaha Geeska

Cisbitaalka Ceergaabo Oo Xidhmay

Hees Cusub Hodon C/raxmaan

Daawo Mudaharaadkii Hargaysa Ka Dhacay

Halkan Ka Daawo Barnaamijkii U Horeeyey Ee Si Dhab ah Looga Diyaariyey Nolosha Dadka Dhuxusha Shida+

Daawo Hees Igu Laba Ahaw

Hees Cusub Jacaylka Waxsaarka Leh

Jacaylkii Soo Dhaaf Xuduudkii

Hees Cusub Oo aad U Macaan Fanaaniinta Raxma Rose, Hodon C/raxmaan iyo Fartuun Cumar